48 Xeer ee awooda|Xikmado Ku Saabsan Awoodda iyo Horumarka
48 Xeer ee awooda

Xikmado Ku Saabsan Awoodda iyo Horumarka
Dunidan casriga ah, ee tartanka faraha badani ka jiro , xeeladda, iyo maskaxda furan waxa noqdeen furayaasha guusha, buugga caanka ah ee “48 Xeer ee awooda” oo uu qoray Robert Greene, ayaa noqday il muhiim ah oo laga qaato talooyin nololeed oo qoto dheer. Buuggani ma ahan oo kaliya mid ka hadlaya xeeladaha awoodda, balse waa hagaha ugu habboon ee kuu iftiiminaya sida loo fahmo dhaqanka bulshada iyo hab-dhaqanka dadka aad la macaamilayso. Waa buug aan qof walba oo doonaya horumar iyo xeeladaysi ka maarmin.
“48 Xeer ee awooda” wuxuu ku dhiirrigelinayaa inaad noqoto qof xog-ogaal ah, oo si cilmiyeed u adeegsada maskaxdiisa iyo dareenkiisa si uu ugu guuleysto nolosha. Xeerarku waa kuwo ku hagaya sidii aad uga fogaan lahayd khaladaadka bulshada dhexdeeda, isla markaana aad u noqon lahayd qof sharaf leh oo kasbada ixtiraamka kuwa kale. Haddii aad raadineyso inaad guulo waaweyn ka gaarto noloshaada shaqsiyeed iyo midda xirfadeed, qormadan waa mid kuu diyaarsan oo aad wax badan ka faa’iidi doonto.
Haddaba, Waxaad ogaata in qaar ka mida xeerarka uuna dhaqanka islaamku ina fareyn , ee kaliya aad ubarato si aan laguugu adeegsan adiga .
Aan u guda galno qaar ka mid ah xigashooyinka iyo xikmadaha ku jira buuggan si aan u fahamno muhiimadda xeerarka awoodda!
1. “Never outshine the master.”
Ha dhaafin kuwa kaa sarreeya si aadan u abuurin masayr aan loo baahnayn.
Qof kaa sareeya awood ahaan ha u muujin in aad ka maskax badan tahay , ka saameyn badan tahay , ka sooojidasho badan tahay waxa dhici karta in awoodiisu ku muquuniso adiga e.
Waxa uu noqon kara macalinkaaga , mamulahaaga shaqada , madaxweynahaaga iyo qofkasta oo awood ama xil kaaga sareeya U muuji iney kaasareeyan xata hadii aad u aragto doqomo .
2. “Never put too much trust in friends, learn how to use enemies.”
Saaxiibada waxay noqon karaan kuwo aan la saadaalin karin, cadawga waa la xakameyn karaa.
Marka aad taqaano cadowgaagu kuu yahay in badan waad ka feejignaan , se saaxiiada marnaba iskama ilaalin kartid ee Iska jir saaxiibadada ka badan inta aad iska jirto cadowgaaga ,
tani ma aha wax khuseeya dadka caadiga ah waa dhaqanka siyaasada ama dadka ay shaqooyinisku keeneen .
3. “Conceal your intentions.”
Qari qorshahaaga si aadan u bixin fursado lagugu hor istaago.
Marka aad damacsan tahay inaad sameyso arimo waaweyn o guulo kuu horseedi kara , qarso ilaa inta aad ka xaqiijineyso guulahaas , waxad ka badbaadi karta dadka qaar ku odhan laha ma sameyn kartid ama ma awoodid hawshaase . Waxad noqoneysa qof dadka kaga yaabsada hawlaha uu qabanayo taas oo fududeyn karta inaan noqoto qof saameyn weyn leh.
4. “Always say less than necessary.”
Hadallo kooban waa kuwa saameynta leh.
Markasta Oo hadalkaagu yaryahay waxa badaneysa Awooda iyo saameynta aad ku leedahay bulshada , siiba marka hadalkaaga yari macno weyn muujinayo .
5. “So much depends on reputation – guard it with your life.”
Sharafkaagu waa hantidaada ugu qiimaha badan.

Waxa ugu weyn eed noloshaada haysata waa sharaftaada ilaali , oo kobci hana ogolaan in cidi wax u dhinto .Mar hadey sharaftaadu dhimato sida aad u sii noolaan lahaydna way adkaaneysa , hadba inta sharaftaadu weyn tahay ayey awoodaaduna weyn tahay e
6. “Court attention at all costs.”
Iska dhig qof muuqda si loo dareemo jiritaankaaga.
Madal marka aad joogto Waa in aad ka dhex muuqato Ama aad ka maqnaato , hawl aad qabatey waa in ay kuu hadasho.
7. “Get others to do the work for you, but always take the credit.”
Ka faa’iideyso xirfadaha dadka kale, natiijaduna adiga ha kuu soo baxdo.
8. “Make other people come to you.”
Adigu noqo bartilmaameedka ,Abuur rabitaan iyo xiiso ay dadku kuusoo raadsadaan halkii aad iyaga raaci lahayd.
9. “Win through your actions, never through argument.”
Ficilku wuxuu leeyahay xoog ka weyn hadalka.
Markasta waxad noqota qof ficil dadka kula hadla oon inta badan wax sharixin , ha odhon waxaas baan qabanayaa ee marka aad qabato tus dadka.
10. “Infection: Avoid the unhappy and unlucky.”
Ka fogow dadka leh tamar taban.
dadka aadka u calaacalka badan , ee markasta murugeysan ka fogow waxa ay hoos u dhigayaan tamartaada’e
Note : Waa gaal ninka qorey waxbana kama yaqan diinta Naxariista , dadka noocaas ah ee murugeysan niyada u dhis .
11. “Learn to keep people dependent on you.”
Dadku ha ku tiirsanaadaan si aad awoodda u ilaaliso.
Wuxuu ku leeyahay noqo qof aan laga maarmin Ama la heli karin , si ayna kaaga maaarmin dadka aaad Awooda ku haysato.Markasta waa in ay jirtaa baahi si ay u jirto awoodi
12. “Use selective honesty and generosity to disarm your victim.”
Daacadnimo xaddidan ayaa kaa dhigaysa mid la isku halayn karo.
Waxa ay ku tusineysa muhiimada ay leedahay, In si taxaddar leh loo adeegsado daacadnimo , si aad u kasbato kalsoonida kuwa kale. Markaad qofka tusiso daacadnimo muuqata, waxaad hoos u dhigaysaa shaki kasta oo lagaa qabo .
13. “When asking for help, appeal to people’s self-interest.”
Marka caawimaad loo baahdo, tus dadka sida ay uga faa’iidayaan.
Marka aad adigu caawimaad u baahato tus qofka hadii uu waxan sameeyo wax uu ka heli karo.
14. “Pose as a friend, work as a spy.”
U fiirso wax kasta oo kaa caawin kara inaad guulaysato.
16. “Use absence to increase respect and honor.”
Ka maqnaanshahaada si xikmad leh u qorshee.
meel kasta ka muuqo waa lagu muunad beela , si ay saameyntadu maco u yeelato maqnaanshiyo lahaw . wakhtiyo aan lagu arag qorshee .
17. “Keep others in suspended terror: cultivate an air of unpredictability.”
Ha noqon qof si fudud loo saadaalin karo.

22. “Use the surrender tactic: transform weakness into power.”
Is dhiibiddu waa xeelad, maaha guuldarro.

23. “Concentrate your forces.”
Awooddaadu waxay ku jirtaa diiradda iyo xooggaaga oo aad meel u jeediso.
25. “Re-create yourself.”
Naftaada dib u dhis si aad uga sarreyso caadiga.
Maxaa Kaaga Muhiimsan “48 Xeer ee awooda”?
Buugga 48 Xeer ee awooda ee Robert Greene ma ahan oo kaliya buug xikmado ku saabsan, balse waa qorshe dhammeystiran oo qofka ka caawinaya inuu fahmo hababka bulshada iyo awoodaha ay isku maareeyaan. Waxaa laga baranayaa:
- Sida loo dhiso xirfado xiriir oo adag.
- Sida loo ilaaliyo sharafkaaga iyadoo aan la jabin kuwa kale.
- Sida loo xakameeyo dareenkaaga marka aad la macaamilayso dadka kale.
Gabagabo
“48 Xeer ee awooda” waa keyd laga heli karo xeelado iyo fikrado qof kasta oo doonaya inuu ku hormaro noloshiisa. Akhrinta iyo fahamka buuggani waxay noqon karaan tallaabo muhiim ah oo aad noloshaada ugu beddesho mid xeeladaysan oo macno leh.